Madaxwayne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Xasan Daahir Maxamuud Afqurac ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal kuyaalla magaalada Nairobi oo uu jiifay waayadii ugu dambaysay.
Marxuumka ayaa lixdii bilood ee ugu dambaysay xanuun uu ka hayay dhabarka sida uu radio Daljir u sheegay laba maalin kahor mid ka mid ah ehaladiisa.
Madaxwayne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdi Cali Shire ayaa shirsaxaafadeed uu maanta ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 22 Janyar,2013 tacsi ka direy geeridii Alaha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Af-Qurac oo saaka ku geeriyodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dr.Farole oo maalmihiii la soo dhaafay booqasho ku joodey dalka Jabouti ayaa la hadlay Warbaahinta gudaha saaka isagoona Eheladii Marxuumka uga tacsiyeeyey Geerida naxdinta leh eek u timid AHN Xasan Daahir.

Madaxweynuhu waxa uu sheegey in qoraal dowladu ka soo saari doonto geerida Afqurac ,waxana ilaa iyo haatan aan la ogayn meesha lagu aasi doono.
Xasan Daahir Afqurac oo 2004 -2008 madaxweyne ku xigeen u ahaa Gen.Cadde Muuse ayaa waayadi danbe waxa uu ku jirey Isbital ku yaal Nairobi ,iyadoona dhowaan lagu wadey in dalka Jarmalka loogu diro si qaliin looga sameeyo Beerka
deqa
January 23, 2013 at 12:08 am
May you rest in peace Uncle Hassan. You were the most humble and caring uncle i have ever known! I miss you much and wish you the very best in heaven!
Deqa Dahir Afqurac