Ma jecleen inaan Madaxda Dalkeena Maqaalkan ka diyaarsho balse Ciladdo aan dhoowr mar la kulmay oo aan waayay cid wax igala qabato ayaan rabaa inaan Bulsha weynta Soomaaliyeed u bandhigo Si aan anigana u nafiso bal hadii carada iga ba’eyso hadaan arko Comment-ga ay soo dirayaan Asxaab illa mid ah oo Dabcan la kulmay arimaha aan iddiin soo waddo.
Marka aan leeyahay madaxda dalkeena waxaan ka waddaa Dhamaan Wasaaradaha Dowliga ah ee Hoos yimaadda Arimaha Bulshada, oo dadweynaha Sida gaarka ah ugu addeega, la aantoodana Ama ka warqab li’iddooda Dhibaato ku keei karta Madaama Dowladdu Magaallaada Dhan iyadda Ka taliso, waxaana ka mid ah wasaaradahaasi, Kuwa Arimaha Guddaha, Gobolka Benaadir, Caafimaadka, Shaqadda & Shaqaallaha, IWM.
RIIX HALKAN HOOSE OO DAAWO
Dhamaan wasaaradahani iyo kuwa badan oo aan ka tagayba haddii ay dan kaa gasho ma sahlana sidii aad Dantaadda ku fushan laheyd, waxaana dhacda in xitaa mar mar wasaaradahan iyaga laf ahaantoodda Dadweynaha u yeeraan si arimo quseeya u war geliyaan, haddii aad hoos tagto, waxaana macquul ah inaad Dhowr maalmood ku noq noqoto waliba adigoo shidaal kaa beel darooba iyo dan Mihiim kuu ah oo aad qabsan laheyd, maalinkastana waxaa lagu leeyahay “Waziirka Maanta ma joogo” Maalinta kalena “Shir ayuu ku jiraa” hadana maalmo ka dib “Safar ayuu jiraa” Xog Heyntiisana waa Mashquul, Hadii aad wacdana Numberkiisa kuuma Jawaabayo ama waa dan san yahay,
Haa Wey dhici kartaa in Xaaladda iska xun tahay Magaallada oo ay dhacdo in Security ahaan in loo qariyo hadana waxaa nasiib Daro ah addigoo ID card Wadato aad dhibkaas marto.
Arinta layaabka leh ee ku dhaqaajineysa hadaad Wadani sax ah tahay iguna kaliftay qoridda Qormadani waxa ay tahay Marka wasiirka uu dan ka lahaaddo Shaqsi Shalay Dibadda ka yimid iney u sahlan tahay sidii uu ku heli lahaa ayna u fududaato Dantiisii, ama xitaa mashaariicyo Qaas ah Gacanta laga saaraa addigii Xaqa u lahaa Oo wiiftada Bacda & Bugta usoo joogay, ku wallaal Beellay ku waalid Beellay Ku Mustaqbal Beellay, ku Caafidaad Beelay ku Asxaab Beelay si Tartiib ah lagaaga wareejiyaa “YAAB” waa wax dhacday waana ka jitaa dalka.
Micnaha ma ahan in si xoog ah lagaaga qaadayo wixii Howshaada quseeyay ee waxaan ula jeeddaa Mar haddaad weysay Saxiixa Wasiirka howlo aadan qabin Karin saxeexa la,aanteed ku kale oo la yiraahdo (DIYEESBARO) loo saxiixaa, Yaa iga diidi kara taas Somalia hada waa Roon tahay xoogaa Sidii horena uma kacsana waa lawada og yahay waa tan ay kusoo qul qulayaan Ragii hore ugu cararay oo wadanka iyagoo Sharci leh oo si sahal wax walba iyaga gacanta ugu dhiga.
Waziirada marka ay dibadda aadaan waxa ay lasoo (share) gareeyaan Dadka Diyeesbaraha ah oo halkaas Chance ayaa lagu hellaa waliba Hoteellada ay degan yihiin lala qaxweystaa sidaana fursad ugu noqota qof rabay inuu/Iney immaado oo lasoo siiyaa number Qaas ah oo haddii uu yimmaado si uu ula soo hadlo kadibna sidaas Howshu ku qabsoontaa.
Diyaasbaraha Qaamuuska Afka Somaliga waan ka waayay oo waa eraydda Cusub waxaana laga waddaa Dadka Dibadaha Ka yimaada oo Dalka Dib ugu soo laabta iyagoo Sharci leh.
Waxaa jira dhalin yaro badan oo Guddaha Dalka Joogay oo fursad u waayay iney la kulmaan wasiir ay dan ka lahaayeen balse layaabku waxa uu noqday ninkii waayay mar hore la kulanka wasiirka oo iska tahriibay ama wadama deriska ah tagay ka dibna aad arkeeyso kii oo La sawiran Wasiirkii uu waayay la kulankiisa kadibna Face book soo dhigaa isagoo ku faanayo oo leh “ WASIIRADA DALKEENA MARKA AY DIBADAHA YIMAADAAN RAQIIS, MARKA AY DALKA JOOGAAN QAALI”
Iska daa tan xitaa Sanadkii tagay Dabayaaqaddiisii Dood Ay CRD du soo qaban qaabisay oo lagu qabtay Madax tooyada oo madxweynaha Suaalo lagu weydiinayay Dadkii kasoo qeyb gallay Badankood waxa ay ahaayeen DIYEESBARO, Waawareey war Shaqsi Dibadda ka yimid muxuu war ka hayaa Wadanka waaba ka cararay waxaa joogaan Rag waligood madaafiicda ka dul dhaceysay illaa heer Hortooda wax lagu gowraco joogay kuwaas maa wax la weydiiyo Allaa Runeey yaa ku sheega.
Ma rabo ineey qalad ii fahmaan dadka wallaalaheyga ah ee Qurbaha Danta ku kaliftay ineey ku noollaadaan oo xitaa dhibaato ku qabo runtii xitaa ka taagan mar lee maan Dowlad taam ah helno waxaana qiil ugu dhigayaa Heestii caan ka aheyd ee uu Alifay Abwaanka Weyn Cabdi Muxamed Amiin ayna ku luqeyso Allaah u Raxmadee Faadumo Qaaasim ee aheyd (DALXIIS KAAGAMAN IMAANIN DALKEYGOOW MEELAAN KUGU DOORSANAAYO MIYEEY DUNIDABA KU TAALAA DALKEYGOOW, INAAN DIBADAHA WAREEGO INAAN DAWARSADO SHISHEEYAHA QAXOOTI INAAN DAN MOODO, WAXEY DANTA IGU XAMBAARATAY MARKII DUUL BA DUUL WAREERAY DALKEYGOW, KOLKII NABAD LAYSKU DIIDAY DALKEEYGOOW, DUQOWDII LA DHAAFI WAAYAY, AYAAN NAFTA LASOO TALAABAY DALKEYGOW MEELAAN KUGU DOORSANAAYO MIYEEY DUNIDABA KU TAALLAA)
Dhibaatadu waa Madaxda Waayo iyagaa laga rabaa ineey Muhiimaddu siiyaan Raga Guddaha jooga si ay waxa ugu weydiiyaan howlaha ay hayaan & sida wax loo kala wado maahane ma’ ahan in Howlo dan u ah Dalka lala sugo Rag Lala soo balamay ee DIYEESBARO ah.
Horaan ugu cudur daartay qormadan waxaan rabaa inaan ku Nafiso ee maahan inaan ku fadeexeysanayo Madaxda Dalkeena,
Guntii iyo gunaanadkii waxaan ka codsanayaa Dhamaan madaxda Dalka, Wasiiradda, Xildhibaanada In ay Fursad siiyaan Dadka ku sugan guddaha oo haya howlaha Muhiimka ah ma, ahan in Shaqsi dibadda ka yimaadda (priority) ahmiyada la siiyaa la eegaa dadka Mudan.
W/D Asad Abukar Ali
Madaxa Xafiiska Hormarinta Hooyadda & Dhallaanka.
Maternal Mercy Development Org. (MMD)
www.mmdsom.org
Email asaddhayow@gmail.com
Mogadishu – Somalia
Recent Comments